Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM oo Howlgallo Qorsheysan ka Fuliyay Deegaanno Hoostaga Sablaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa lagu beegsaday goobo ay ciidamada ammaanku tuhunsanaayeen inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay halkaasi ka abaabulayeen falal amni-darro iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaanno ka sameeyeen deegaannada la galay, isla markaana ay burburiyeen fariisimo iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay dhaq-dhaqaaqyadeeda. Waxay sidoo kale xuseen in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyadoo ciidamada ay sii wadaan xaqiijinta amniga iyo baaritaannada deegaannada ku xeeran.

Howlgalladan wadajirka ah ayaa qeyb ka ah ololaha joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay ku doonayaan in lagu ciribtiro Al-Shabaab laguna sugo amniga deegaannada ay hore uga jireen kooxdaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AUSSOM ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka socda gobollada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Shabeellaha Hoose, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab loogana hortago weerarro ay qorsheynayaan.