Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 3-aad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 3-aad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development Forum), oo si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya, dib-u-habaynta dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha horyaalla dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Soomaaliya ay sanadihii u dambeeyay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo dhinacyo badan ah, gaar ahaan dib-u-habaynta hay’adaha dowladda, horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda, kobaca dhaqaalaha iyo abuurista jawi dhiirrigeliya maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.

Waxa uu xusay in inkasta oo guulo muhiim ah la gaaray, haddana ay weli jiraan caqabado u baahan in si wadajir ah looga gudbo, kuwaas oo ay ka mid yihiin saameynta isbeddelka cimilada, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah, iyo baahida loo qabo xoojinta adkeysiga dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo saldhig u ah himilada dowladda ee ku aaddan horumar waara, koboc dhaqaale oo loo dhan yahay iyo tayeynta adeegyada bulshada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo diyaarinta qorshayaal lagaga hortagayo khataraha iyo caqabadaha mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn tilmaamay in horumar waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal furan, dowlad-dhis loo dhan yahay iyo iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada, ganacsatada iyo bah-wadaagta horumarinta. Waxa uu ku baaqay in la mideeyo dadaallada si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo fursado u abuurta dhammaan muwaadiniinteeda.