Wasiirka Warfaafinta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kana hadlay xoojinta sumcadda dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa waxaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradda, kuwaas oo warbixin ka siiyay xaaladda guud ee howlaha safaaradda, adeegyada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Danjiraha ayaa diiradda lagu saaray horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay horumarinta warbaahinta dowladda, sare u qaadidda wacyigelinta bulshada iyo gaarsiinta caalamka sawirka dhabta ah ee Soomaaliya. Waxa kale oo laga hadlay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, kobcinta adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashi ee dalka ka jira.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, si loo dardargeliyo baahinta xogta saxda ah, loo xoojiyo sumcadda Soomaaliya ee caalamka, loona dhiirrigeliyo dhaqanka, dalxiiska iyo maalgashiga dalka.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee safaaradda, isagoo bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha sida ay ugu adeegayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo kuwa adeegyada kala duwan u yimaada safaaradda. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan ilaalinta danaha qaranka iyo kor u qaadidda sumcadda Soomaaliya ee dibadda.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasiirka booqashada uu ku yimid safaaradda, isagoo caddeeyay in safaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada qunsuliyadeed, taageeridda muwaadiniinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, iyo hirgelinta qorshayaasha dowladda ee lagu soo bandhigayo horumarka, nabadda iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso wada shaqeynta hay’adaha dowladda ee dibadda, si kor loogu qaado adeegyada muwaadiniinta, loona adkeeyo doorka diblomaasiyadda iyo warbaahinta ee horumarinta sawirka wanaagsan ee Soomaaliya.