Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania uga qeyb galay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta maalgashiga caafimaadka iyo xoojinta nidaamyada caafimaadka, kaas oo lagu qabtay Madasha Maalgashiga Horumarinta Caafimaadka (Health Investment and Innovation Platform – HIIP).
Kulankan heerka sare ah ayaa isugu keenay Wasiirrada Caafimaadka ee dalal kala duwan, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, bah-wadaagta horumarinta iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha caafimaadka, si ay uga wada hadlaan xalal lagu horumarinayo maalgelinta waarta ee waaxda caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso adeegyada caafimaadka, dib-u-habaynta nidaamka caafimaadka iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana waara.
Madasha ayaa sidoo kale fursad u ahayd Wasiirrada Caafimaadka iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah inay is dhaafsadaan waayo-aragnimo iyo khibrado ku saabsan sidii loo kobcin lahaa maalgelinta caafimaadka, loo dhiirrigelin lahaa maalgashiga gudaha iyo kan dibadda, loona taageeri lahaa hirgelinta qorshayaasha mudnaanta u leh dalalka si loo xoojiyo adkeysiga nidaamyada caafimaadka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladaha, hay’adaha maalgelinta iyo ururrada caalamiga ah, si loo abuuro ilo dhaqaale oo waara oo lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka, loogana jawaabi karo baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay sii laba-jibaari doonto dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, soo jiidashada maalgashiga caafimaadka iyo hirgelinta barnaamijyo kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaadka, si loo xaqiijiyo in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh isla markaana la awoodi karo.