Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Dugsi Hoose iyo Dhexe oo laga hirgelinayo Waaxda Xaaji-Cabdi ee Degmada Gubadley Dugsigan cusub ayaa bixin doona waxbarasho lacag la’aan ah, iyadoo mashruucan uu qeyb ka yahay qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu ballaarinayo adeegyada waxbarashada si carruurta ku nool caasimadda ay u helaan waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay.
Guddoomiye Muungaab oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in horumarinta waxbarashadu ay tahay mudnaanta koowaad ee maamulka, maadaama ay saldhig u tahay dhismaha bulsho aqoon leh, karti badan, isla markaana ka qeyb qaadata horumarka dalka. Wuxuu xusay in dugsigan cusub uu dabooli doono baahi weyn oo dhinaca waxbarashada ah, isla markaana uu fursad siin doono carruurta iyo dhallinyarada ku nool deegaanka Xaaji-Cabdi iyo deegaannada ku hareeraysan inay helaan waxbarasho bilaash ah oo tayo leh.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale caddeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii laba-jibbaari doono hirgelinta mashaariicda horumarineed ee taabanaya nolosha bulshada, gaar ahaan kuwa la xiriira waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, si kor loogu qaado tayada adeegyada ay helaan shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho.
Dr. Muungaab ayaa mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay maamulka maalgelinta iyo horumarinta adeegyada waxbarashada, isagoo tilmaamay in dhismaha dugsiyo cusub uu yahay maalgashi lagu kobcinayo aqoonta jiilka soo koraya, laguna diyaarinayo dhalinyaro leh xirfad iyo karti ay mustaqbalka dalka ku hoggaamiyaan.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, mas’uuliyiin heer gobol iyo degmo, odayaal dhaqameed, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo soo dhaweeyay mashruucan cusub ee waxbarasho. Waxay ku ammaaneen maamulka dadaallada uu ku ballaarinayo adeegyada bulshada, iyagoo sheegay in dugsigan uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta waxbarashada iyo horumarinta bulshada deegaanka.