Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo IOM oo ka wada hadlay xoojinta maamulka socdaalka iyo iskaashiga Soomaaliya

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa maanta kulan la yeeshay Ku-Xigeenka Madaxa Hawlgalka Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Marwo Prestage Murima, si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac ee la xiriira arrimaha socdaalka iyo horumarinta nidaamyada maamulka socdaalka.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale dhanka khadka taleefoonka kaga qeyb galay La-taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Yaxye Cali Xareeri, iyadoo wada-hadalladu diiradda lagu saaray horumarinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, tayeynta maamulka socdaalka, iyo xaqiijinta in socdaalku noqdo mid ammaan ah, nidaamsan, isla markaana waafaqsan shuruucda iyo siyaasadaha qaranka.

Mas’uuliyiinta ayaa isla eegay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda hay’adaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha socdaalka, si loo helo hannaan casri ah oo wax ku ool u ah maamulka socdaalka, isla markaana taageera dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga xuduudaha, fududeynta isu socodka shacabka iyo ilaalinta xuquuqda dadka socdaalka ku jira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ku caddeysay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibbada horumarinta, iyadoo mudnaanta koowaad siinaysa ilaalinta madaxbannaanida dalka, difaaca danaha qaranka iyo fulinta waajibaadka caalamiga ah ee Soomaaliya ka saaran maamulka socdaalka.

Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii ambaqaado wada-tashiyada farsamo iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IOM, si loo hirgeliyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo maamulka socdaalka, loona taageero dadaallada dalka ee ku wajahan dhismaha hay’ado awood leh iyo nidaam socdaal oo casri ah.