Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jabuuti, kadib geerida ku timid Wasiirkii Difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan.
Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay marxuumka mas’uul qaran oo muddo dheer si daacadnimo iyo hagar la’aan ah ugu adeegay dalkiisa, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta iyo tayeynta hay’adaha difaaca ee Jabuuti. Wuxuu sidoo kale xusay in marxuumku uu kaalin muhiim ah ku lahaa xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada ay Dowladda Jabuuti siiso dadaallada lagu soo celinayo nabadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in geerida Wasiirka Difaaca ee Jabuuti ay tahay khasaare weyn oo soo gaaray dowladda iyo shacabka Jabuuti, isla markaana ay saameyn ku yeelan doonto bahda difaaca ee gobolka, maadaama uu ahaa hoggaamiye si dhow uga shaqeeyay iskaashiga amniga iyo la dagaallanka khataraha gobolka.
Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa tacsi gaar ah u diray qoyska, ehellada, Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, iyo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Wuxuu Alle uga baryay in uu marxuumka hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Jabuutina ka siiyo samir iyo iimaan.
Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Jabuuti xilligan adag, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee labada dal uu sii ahaan doono mid xooggan, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo xasillinta gobolka.