Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay kalfadhiga 1-aad, kulankiisa 5-aad ee Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, halkaas oo uu si rasmi ah uga codsaday Golaha Wakiillada inay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ee uu dhawaan magacaabay.
Kadib dood iyo falanqeyn, Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub. Isla madasha ayaa waxaa lagu dhaariyay wasiirrada cusub, iyadoo dhaarta uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed, Dr. Axmed Cali Muuse.
Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa si rasmi ah u dhaartay, iyagoo ballanqaaday inay waajibaadkooda u gudan doonaan si daacadnimo, hufnaan iyo xilkasnimo leh, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan adeegga shacabka iyo horumarinta Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray wasiirrada cusub, wuxuuna ku boorriyay inay mudnaanta siiyaan dardargelinta adeegyada bulshada, xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha, hirgelinta maamul wanaagga iyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda.
Waxa uu sidoo kale xusay in Golaha Wasiirrada cusub laga filayo inay ku shaqeeyaan wadajir, isla-xisaabtan iyo hufnaan, si loo xaqiijiyo himilooyinka Dowladda Koonfur Galbeed loona gaarsiiyo shacabka adeegyo tayo leh oo waxtar u leh bulshada.
Ugu dambeyn, Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada taageerada iyo ansixinta ay siiyeen Golaha Wasiirrada cusub, isagoo sheegay in tallaabadan ay dardargelin doonto howlaha horyaalla xukuumadda iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.