Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo booqday Xarunta Tababarka Ciidamada Gaarka ah ee Boqor Cabdalla II ee Urdun

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Urdun, ayaa maanta booqday Xarunta Tababarka Ciidamada Gaarka ah ee Boqor Cabdalla II (King Abdullah II Special Operations Training Center – KASOTC), oo ka mid ah xarumaha ugu casrisan ee gobolka loogu tababaro ciidamada gaarka ah.

Wasiirka ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee KASOTC, Sarreeye Guuto Khulduun Xuseen Irshidaat, waxaana ay yeesheen kulan diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo ballaarinta fursadaha tababarka ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahaayeen khibradaha iyo barnaamijyada tababar ee ay bixiso xarunta KASOTC, si kor loogu qaado tayada, xirfadaha iyo heerka diyaar-garowga ciidamada, gaar ahaan howlaha la-dagaallanka argagixisada, badbaadinta la-haystayaasha iyo fulinta hawlgallada gaarka ah.

Mas’uuliyiinta KASOTC ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha xarunta, noocyada tababarrada ay bixiso, farsamooyinka casriga ah ee loo adeegsado diyaarinta ciidamada gaarka ah iyo doorka ay xaruntu ku leedahay taageeridda ciidamada dalalka saaxiibka ah.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo wafdiga la socday ayaa kormeer ku soo maray qeybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo indhahooda ku arkay goobaha tababarka, qalabka casriga ah iyo hababka loo tababaro ciidamada gaarka ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dhinaca difaaca iyo horumarinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida, si loo dhiso ciidan xirfad leh oo awood u leh sugidda amniga dalka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.