Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee la xiriira Falalka Argagixisada, kaas oo ay Golaha u soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Habraacan ayaa loogu talagalay in lagu mideeyo maamulka iyo gudbinta farriimaha dowladda marka ay dhacaan xaalado degdeg ah oo la xiriira amniga iyo falalka argagixisada.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay ansixinta habraacan, isagoo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada taageerada ay siiyeen. Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay dhammaan hay’adaha dowladda ee ka qeyb qaatay diyaarinta iyo dhammeystirka habraacan qaran.
Wasiirka ayaa sheegay in habraacani uu door weyn ka qaadan doono xoojinta isku-duwidda farriimaha dowladda iyo maamulka xogta la xiriirta xaaladaha degdegga ah, si shacabka loogu gudbiyo warar sax ah, mideysan, la isku halleyn karo, isla markaana waqtigooda ku habboon.
Habraaca cusub wuxuu si cad u qeexayaa doorarka iyo waajibaadka hay’adaha kala duwan ee dowladda marka ay dhacaan xaalado degdeg ah oo la xiriira falalka argagixisada. Waxa uu sidoo kale dejinayaa hannaan mideysan oo lagu maareeyo isgaarsiinta dowladda, si looga fogaado isbarbar yaaca farriimaha iyo xogaha is khilaafsan.
Sidoo kale, habraacan ayaa xoojinaya wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee ku lugta leh amniga iyo warbaahinta, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaari doonaa ka hortagga faafinta wararka been-abuurka ah, marin-habaabinta iyo dacaayadaha ay adeegsadaan kooxaha argagixisada.
Ansixinta habraacan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso maareynta xogta iyo isgaarsiinta xilliyada xaaladaha degdegga ah, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka loona hubiyo in bulshada ay hesho xog rasmi ah oo sax ah, degdeg ah, isla markaana mideysan.