Xuseen Sheekh Maxamuud oo Soo Gaaray Dhuusamareeb

Xoghayaha Guud ee Ururka Siyaasadeedka JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Garoonka iyo waddooyinka magaalada ayaa waxaa isugu soo baxay boqollaal ka tirsan shacabka, taageerayaasha Ururka JSP, iyo mas’uuliyiin ka tirsan ururka, kuwaas oo muujiyay soo dhaweyn ballaaran. Xoghayaha Guud waxaa halkaasi ku qaabilay Xoghayaha Ku-xigeenka Ururka JSP iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka ururka.

Soo dhaweynta ayaa lagu muujiyay taageerada shacabka ee ururka, iyadoo dadkii ka qayb galay ay lulayeen calanka JSP isla markaana ku dhawaaqayeen halku-dhegyo ay ku taageerayaan hoggaanka ururka.

Safarka Xoghayaha Guud ee Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo dadaallada Ururka JSP uu ku xoojinayo xiriirka uu la leeyahay bulshada iyo taageerayaashiisa, isla markaana lagu dardargelinayo abaabulka iyo hawlaha siyaasadeed ee ururka ka hor doorashooyinka soo socda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud uu magaalada Dhuusamareeb kula kulmo masuuliyiinta iyo xubnaha ururka, isagoo ka dhageysan doona warbixinno ku saabsan xaaladda ururka, isla markaana la wadaagi doona qorshayaasha iyo jihada siyaasadeed ee JSP ee muddada soo soc