Musharrax Liibaan Axmed Xasan oo Soo Dhaweyn Ballaaran Loogu Sameeyay Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta martigelisay soo dhaweyn ballaaran oo loo sameeyay musharraxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, kaas oo ay garoonka diyaaradaha ku qaabileen boqollaal taageerayaal ah, mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Galmudug ah, iyo madaxda Ururka JSP.

Wafdiga musharraxa waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan ururka iyo dowladda, kuwaas oo safarka ku weheliyay musharraxa.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminayay masuuliyiintii soo dhaweysay musharraxa isla markaana ah hoggaanka ololihiisa, ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Galmudug sida ay uga soo qeybgaleen soo dhaweynta. Wuxuu sheegay in taageerada ballaaran ee ay muujiyeen shacabka ka kala yimid degmooyinka iyo deegaannada kala duwan ay caddeyn u tahay kalsoonida ay ku qabaan Ururka JSP iyo musharraxiintiisa.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Ururka JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ku bogaadiyay shacabka Galmudug sida ay ugu diyaar garoobeen doorashada qof iyo cod ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo deegaannada Galmudug. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay codkooda siiyaan musharraxa Ururka JSP, isagoo ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiye leh aragti iyo qorshe cad oo wax looga qabanayo caqabadaha horyaalla Galmudug.

Musharraxa hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo hadal ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta, ayaa si weyn ugu mahadceliyay taageerayaasha iyo shacabka u soo baxay soo dhaweyntiisa, isagoo sheegay in socdaalka dheer ee ay u soo galeen uu ka tarjumayo rabitaanka isbeddel iyo horumar ay shacabka Galmudug doonayaan.

Musharraxa ayaa munaasabadda si rasmi ah uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka hoggaamiyaha Galmudug, isagoo soo bandhigay saddex qodob oo uu sheegay inay noqon doonaan mudnaanta koowaad haddii uu ku guuleysto doorashada. Wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono adkeynta amniga, hirgelinta dib u heshiisiin dhab ah oo bulshada Galmudug dhexdeeda ah, iyo inuu muddo lix bilood gudahood ah deegaannada Galmudug kaga xoreyn doono Khawaarijta ku sugan qaybo ka mid ah gobolka.

Soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay musharraxa Liibaan Axmed Xasan, oo ay ka soo qeybgaleen dadweyne ka kala yimid gobollada Mudug iyo Galgaduud, ayaa muujisay heerka taageero ee Ururka Siyaasadeedka JSP uu ku leeyahay Galmudug, iyadoo ay sii kordhayaan ololayaasha siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo inay dhawaan ka qabsoomaan dowlad-goboleedka Galmudug.