Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabishay Safiirka Cusub ee Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdisalaam, ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Brazil u fadhiya Kenya, isla markaana ah Safiirka aan degganayn ee loo magacaabay Soomaaliya, Mudane João Alfredo dos Anjos Júnior.

Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo ka dhigan tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim u ah sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Brazil.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka laba geesoodka ah, adkeynta iskaashiga diblomaasiyadeed, iyo ballaarinta wada shaqeynta dhinacyada ay labada dal danaha ka wadaagaan. Waxa kale oo la isla soo qaaday fursadaha lagu kobcin karo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, beeraha, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah labada dowladood.

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka, Mudane Xuseen Cabdisalaam, ayaa safiirka cusub ugu hambalyeeyay magacaabistiisa, isaga oo u rajeeyay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Dhankiisa, Safiir João Alfredo dos Anjos Júnior ayaa muujiyay sida Dowladda Brazil ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, isagoo xusay in dalkiisu uu diyaar u yahay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danaha wadaagga ah, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed loona abuuro fursado cusub oo iskaashi.

Gudbinta nuqulka waraaqaha aqoonsiga ayaa ka horreysa munaasabadda rasmiga ah ee safiirku waraaqihiisa aqoonsiga ugu gudbin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo u oggolaan doonta inuu si rasmi ah u bilaabo gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.