Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daahfurtay Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug (SPTWGs), kaas oo socon doona inta u dhaxeysa 18 illaa 21-ka Luulyo 2026.
Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Heyle, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socday heerarka kala duwan ee dowladda, khubaro dhinaca qorsheynta ah iyo wakiillo ka socday hay’adaha la shaqeeya dowladda.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta wada shaqeynta iyo isku xirka hay’adaha dowladda ee ku howlan qorsheynta iyo horumarinta, si loo hubiyo in qorshayaasha horumarineed ee Galmudug ay waafaqsan yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).
Inta uu shirku socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa dhammaystirka iyo dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta (Sector Planning Technical Working Groups – SPTWGs), kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona isku-dubbaridka qorshayaasha wasaaradaha, hirgelinta mashaariicda horumarinta, la socodka waxqabadka iyo qiimeynta natiijooyinka la hiigsanayo.
Mas’uuliyiintii furitaanka ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan hannaan mideysan oo qorsheyn ah, si loo dardargeliyo adeegyada bulshada, kor loogu qaado hufnaanta maamulka, loona xaqiijiyo in mashaariicda horumarineed ay si wax ku ool ah uga jawaabaan baahiyaha shacabka Galmudug.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada ay ku doonayaan in lagu mideeyo qorsheynta horumarinta dalka, lana xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada si loo gaaro yoolalka horumarineed ee qaranka.