Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta Dufcaddii Koowaad ee heerka Master-ka Dacwadda iyo Garsoorka, kuwaas oo noqday ardaydii ugu horreysay ee ka aflaxda Machadka Sare ee Arrimaha Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jabisay, isagoo ku ammaanay dadaalka, kartida iyo dulqaadka ay muujiyeen intii ay ku jireen waxbarashadooda. Wuxuu sheegay in guusha ay gaareen ay tahay mid muhiim u ah horumarinta culuumta Islaamka iyo tayeynta garsoorka dalka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay aqoontooda u adeegsadaan ilaalinta caddaaladda, ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed si daacadnimo, hufnaan iyo mas’uuliyad leh.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in dadka bartay Culuumta Islaamka ay leeyihiin kaalinta ugu weyn ee ilaalinta caqiidada saxda ah iyo Sunnada Suuban ee Nebi Muxamed (NNKH). Wuxuu tilmaamay in culimada iyo aqoonyahannada ku takhasusay dacwadda ay yihiin tiirka bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xoojinta akhlaaqda, mideynta bulshada iyo ka hortagga fikirrada marin-habaabinta ah.
“Aqoonyahanka bartay Dacwadda waa rajada ummadda Islaamka ah. Waxay rajo geliyaan kuwa quustay, waxay ilaaliyaan midnimada ummadda, waana kaalinta muhiimka ah ee ay culimada Soomaaliyeed u taagan yihiin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dejisay siyaasad qaran oo lagu mideynayo laguna tayeynayo barashada Culuumta Shareecada Islaamka, taas oo ku dhisan caqiidada saxda ah ee Ahlusunna Waljamaaca. Wuxuu xusay in siyaasaddan ay horseedday mideynta manhajyada iyo dugsiyada lagu barto cilmiga dacwadda, si loo soo saaro culimo aqoon iyo akhlaaqba leh.
Dhanka kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadda, isagoo sheegay inay muhiim u yihiin xoojinta wadajirka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka dalka. Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay muujiyaan iskaashi iyo isu tanaasul, isla markaana ay dowladda ku garab istaagaan dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo adkeynta amniga, midnimada iyo xasilloonida Qaranka.
Munaasabadda qalin-jabinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, culimo, maamulka machadka, aqoonyahanno, waalidiin iyo marti sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay heerka aqooneed ee ardayda qalin-jabisay iyo doorka uu machadku ku leeyahay soo saarista khubaro aqoon sare u leh dacwadda iyo garsoorka Islaamka.