Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Musharraxa Hoggaamiyaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo kumannaan qof oo ka tirsan bulshada degmada ay isugu soo baxeen soo dhoweyntiisa.
Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wasiirro heer federaal ah, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug iyo hoggaanka sare ee Ururka JSP. Soo dhoweynta ayaa waxaa hormuud ka ahaa maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageeradooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha wafdiga.
Shacabka degmada Balanballe, oo aan u kala harin ka qeybgalka munaasabadda soo dhoweynta, ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee ku saleysan nidaamka qof iyo cod, iyagoo xusay in ay muddo dheer sugayeen fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda iyo cidda mataleysa.
Musharraxa Hoggaamiyaha JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa fagaaraha kubadda cagta ee degmada khudbad uga jeediyay boqollaal taageerayaal ah. Wuxuu uga mahadceliyay shacabka Balanballe soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, isagoo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka ee isbeddel iyo horumar.
Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto hoggaaminta Dowlad Goboleedka Galmudug uu mudnaan gaar ah siin doono horumarinta degmada Balanballe iyo deegaannada ku xeeran. Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu xoogga saari doonto dhismaha iyo dayactirka waddooyinka, kobcinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, horumarinta biyaha iyo korontada, taageeridda dhalinyarada iyo haweenka, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo kor u qaadaya dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Musharraxu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabadda, wadajirka bulshada iyo ka qeybgalka muwaadiniinta ee doorashooyinka, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka faa’iideystaan fursadda ay u leeyihiin inay codkooda ku doortaan hoggaan ay ku kalsoon yihiin.
Socdaalka Musharraxa Liibaan Axmed Xasan ee Balanballe ayaa qeyb ka ah ololihiisa siyaasadeed ee uu ku booqanayo degmooyinka kala duwan ee Galmudug, si uu ula kulmo shacabka, una soo bandhigo qorshihiisa siyaasadeed iyo hiigsiga Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee ku aaddan horumarinta Galmudug iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee qof iyo cod.