Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Admiral Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Rabat ee Boqortooyada Morocco uga qaybgalay Shirweynaha 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika, kaas oo ay isugu yimaadeen taliyeyaasha ciidamada badda, saraakiil sare iyo wufuud ka kala socota in ka badan 40 dal oo Afrikaan ah.
Shirweynahan oo ah madal muhiim u ah iskaashiga ciidamada badda ee qaaradda Afrika ayaa lagu gorfeeyay caqabadaha amni ee ka jira badaha Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dalalka xubnaha ka ah. Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista awoodda ciidamada badda, la dagaallanka burcad-badeedda, ciribtirka kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga tahriibka iyo dambiyada ka dhaca badda, la tacaalidda argagixisada isticmaasha marin-biyoodka, iyo sidii looga hortagi lahaa khataraha tiknoolajiyadeed ee kusoo kordhaya dhinaca amniga badda.
Intii uu shirka socday, Admiral Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa ka jeediyay warbixin uu ku faahfaahiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Badda Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay sugidda amniga xeebaha iyo ilaalinta biyaha dhuleed ee dalka.
Taliyuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xoojisay dadaallada lagu ciribtirayo burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo falalka kale ee wax u dhimaya amniga iyo dhaqaalaha dalka. Waxa uu tilmaamay in xeebaha Soomaaliya oo ah kuwa ugu dheer qaaradda Afrika ay u baahan yihiin ciidamo badeed oo si buuxda u qalabeysan, tababaran, isla markaana leh awood ay ku ilaaliyaan madaxbannaanida badda iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Admiral Cabdiwahaab ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah ee dhinaca amniga badda, isagoo sheegay in la wadaago xogaha sirdoonka, tababarrada iyo khibradaha ay kaalin weyn ka qaadan karaan ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha iyo sugidda marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.
Dhankiisa, shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal lagu xoojinayo wada-shaqeynta ciidamada badda ee Afrika, si loo abuuro hannaan mideysan oo wax looga qabanayo caqabadaha amni ee wadaagga ah, loona hormariyo awoodda difaac ee dalalka Afrika.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah taageerada ay siiyaan dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, isagoo xusay in taageeradaasi ay door muhiim ah ka qaadaneyso ilaalinta amniga badda, kobcinta awoodda ciidanka iyo difaaca khayraadka badda Soomaaliyeed.