Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhigii 19-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen xildhibaannada Golaha ayaa diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku saabsan Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2025. Warbixintan ayaa muhiim u ah isla-xisaabtanka dowladda, maadaama ay muujinayso sida loo maareeyey dakhliga iyo kharashaadka dowladda intii lagu jiray sanad-miisaaniyeedka 2025.
Kusimaha Wasiirka Maaliyadda, ahna Wasiir Ku-xigeenka Maamulka, ayaa Golaha si faahfaahsan ugu soo bandhigay warbixinta xisaab-xirka, isagoo sharaxaad ka bixiyey dakhliga dowladda soo galay, kharashaadka la bixiyey, mashaariicdii la fuliyey, iyo sida loo dhaqangeliyey miisaaniyaddii uu Golaha hore u ansixiyey. Waxa uu sidoo kale xusay in warbixintu ay ka tarjumayso heerka fulinta miisaaniyadda iyo hannaanka maamulka maaliyadeed ee hay’adaha dowladda.
Mas’uulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa carrabka ku adkeeyey in gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda ay waafaqsan tahay Qodobka 137-aad ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kuwaas oo dhigaya in Golaha loo soo gudbiyo warbixinta xisaab-xirka sannadlaha ah si ay u maraan habraacyada baarista, doodda iyo ansixinta.
Intii uu socday fadhigu, xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo la xiriiray qaabka loo maareeyey miisaaniyadda, meelaha ay ka yimaadeen dakhliga dowladda, heerka fulinta adeegyada bulshada iyo sida loo xaqiijiyey hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha maaliyadeed. Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka jawaabay su’aalahaas, iyagoo bixiyey faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta waxqabadka maaliyadeed ee dowladda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa xusay in baarlamaanka uu muhiimad gaar ah siinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta maamulka dhaqaalaha dowladda, isagoo tilmaamay in Golaha uu si qoto dheer u eegi doono warbixinta ka hor inta aan laga gaarin go’aan kama dambeys ah.
Gabagabadii fadhiga, Golaha Wakiillada ayaa Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025 si rasmi ah ugu wareejiyey Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha. Guddigan ayaa loo xilsaaray inay sameeyaan akhrinta labaad, baaritaan qoto dheer iyo falanqeyn ku saabsan warbixinta, si ay talooyin iyo natiijooyin ugu soo gudbiyaan Golaha.
Sida qorshuhu yahay, Guddiga Maaliyadda ayaa warbixintiisa dib ugu soo celin doona Golaha Wakiillada 28-ka Luulyo 2026, markaas oo xildhibaannadu ay ka yeelan doonaan dood rasmi ah, isla markaana ay go’aan ka gaari doonaan ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sannadka 2025. Tallaabadan ayaa qayb muhiim ah ka ah nidaamka isla-xisaabtanka iyo xoojinta hufnaanta maamulka maaliyadda ee Dowladda Puntland.