Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar rasmi ah oo la xiriira maxkamadaynta maxaabiista ku eedeysan inay geysteen dambiyo culus oo ay ka mid yihiin xasuuq, barakicin iyo falal kale oo ka dhan ah shacabka ku nool deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya.
Qaraarka Golaha ayaa lagu sheegay in la adkeynayo muhiimadda ay leedahay in caddaaladda la horkeeno dhammaan dadka lagu tuhunsan yahay dambiyada ka dhanka ah bani’aadannimada iyo falalka sababay khasaaraha naf iyo maal ee soo gaaray shacabka. Golaha ayaa xusay in la joogo xilligii la xaqiijin lahaa isla xisaabtan dhab ah si loo ilaaliyo xuquuqda dhibbanayaasha loogana hortago in dambiyada noocaas ah ay mar kale dhacaan.
Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa ku baaqay in hay’adaha garsoorka ay u gutaan waajibaadkooda si madax-bannaan, iyadoo la dhowrayo shuruucda dalka iyo mabaadi’da caddaaladda, si loo helo go’aanno ku saleysan caddeymaha iyo habraacyada sharciga.
Sidoo kale, Golaha ayaa carrabka ku adkeeyay in qoysaska iyo bulshada ay saameeyeen dhacdooyinkaasi ay xaq u leeyihiin inay helaan caddaalad, isla markaana la dhowro xuquuqdooda inta ay socdaan dhammaan marxaladaha dacwadaha.
Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha amniga, garsoorka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay iska kaashadaan hirgelinta caddaaladda, iyagoo adkeeyay in la xoojiyo dowladnimada, ilaalinta sharciga iyo nabadda deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya.
Qoraalkan ayaa lagu baahiyay war-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo lagu caddeeyay mowqifka Golaha ee ku aaddan la xisaabtanka dadka lagu eedeeyay dambiyada culus ee ka dhanka ah shacabka.