Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shir wadatashi qaran oo looga arrinsanayo u-diyaargarowga khataraha ka dhasha roobabka Super El Niño iyo xoojinta ka-qaybgalka ururrada ay haweenku hoggaamiyaan ee ka shaqeeya maareynta iyo ka hortagga musiibooyinka.
Shirka ayaa isu keenay mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha dowladda Federaalka, culimada Soomaaliyeed, wakiillo ka socday ururrada haweenka ee dalka oo dhan, iyo bahwadaagta ka shaqeysa arrimaha bani’aadannimada, iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa qorshe mideysan oo lagu yareynayo saameynta ay isbeddelka cimiladu ku yeelan karto bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka sida weyn ugu nugul isbeddelka cimilada, taasoo ka dhigaysa mid lama huraan ah in la xoojiyo qorshayaasha ka hortagga musiibooyinka ka hor inta aysan dhicin. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ururrada haweenku ay door muhiim ah ka ciyaaraan gaarsiinta wacyigelinta bulshada, gurmadka degdegga ah iyo dib u soo kabashada dadka ay saameeyaan musiibooyinka.
Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Deegaanka, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, culimo Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka ee gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa diyaargarowga qaran.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in iskaashiga u dhexeeya dowladda, ururrada haweenka, hay’adaha samafalka iyo bulshada rayidka ahi uu yahay furaha lagu dhisi karo bulsho adkaysi u leh saameynta isbeddelka cimilada. Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay mideeyaan dadaalladooda si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha fatahaadaha, daadadka iyo masiibooyinka kale ee la xiriira Super El Niño.
Waxaa la filayaa in shirka uu ka soo baxo talooyin wax ku ool ah iyo qorsheyaal qaran oo lagu horumarinayo u-diyaargarowga musiibooyinka, kor loogu qaadayo doorka haweenka ee maareynta khataraha, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bulshada si loo ilaaliyo nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed