Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Dib U Eegtay Heerka Fulinta Qorsheyaasha iyo Mashaariicda Socda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta guddoomiyey kulan ballaaran oo lagu qiimeynayey heerarka fulinta qorsheyaasha, mashaariicda iyo barnaamijyada ay Wasaaraddu waddo, kuwaas oo saldhig u ah horumarinta adeegyada dowladeed, xoojinta dowlad-dhiska iyo sare u qaadidda hannaanka maamulka dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, madaxda waaxyaha kala duwan, agaasimeyaal, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo Wasiirka la wadaagay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka bilihii u dambeeyey, heerka ay marayaan qorsheyaasha socda iyo caqabadaha jira, iyadoo sidoo kale la soo bandhigay tallaabooyinka la qorsheeyey in lagu dardargeliyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh.

Diiradda ugu weyn ee kulanka ayaa lagu saaray Diiwaangelinta Madaniga iyo Tirakoobka Dhacdooyinka Muhiimka ah (Dad-dhigista), oo ah hannaan muhiim u ah xaqiijinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigay horumarka laga gaaray diiwaangelinta dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka, kuwaas oo laf-dhabar u noqonaya qorsheynta adeegyada bulshada, horumarinta maamulka, iyo xoojinta kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.

Waxaa sidoo kale si qoto dheer looga hadlay dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha argagixisada, iyadoo la falanqeeyey qorshayaasha lagu xoojinayo maamulka rayidka, dib-u-soo-celinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta iskaashiga bulshada iyo dowladda, iyo hirgelinta barnaamijyo lagu dhiirrigelinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo wada noolaanshaha bulshada.

Warbixinnadii kulanka lagu soo bandhigay ayaa muujiyey in mashaariicda Wasaaraddu ay ku socdaan jadwal waqtiyeysan oo loogu talagalay in lagu xaqiijiyo yoolalka istaraatiijiga ah ee dowladda. Sidoo kale waxaa la isla meel dhigay in la xoojiyo la socodka iyo qiimeynta waxqabadka si loo hubiyo in adeegyada la gaarsiinayo shacabka ay noqdaan kuwo hufan, tayo leh isla markaana waafaqsan baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Cali Xoosh ayaa intii uu kulanka socday bogaadiyey dadaalka iyo shaqada ay qabteen masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda, isagoo ku ammaanay horumarka laga sameeyey hannaanka Dad-dhigista iyo barnaamijyada xasillinta. Wuxuu tilmaamay in diiwaangelinta madaniga ay tahay tiir muhiim u ah dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan xog sax ah, isla markaana awood u leh inay qorsheyso adeegyada bulshada iyo horumarinta dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale faray madaxda Wasaaradda inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo tayada adeegyada dowladeed, lana dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha hortabinta leh. Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in adeegyada dowladda lagu gaarsiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed si siman, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta, maamul-wanaagga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad ku saabsan dardargelinta qorsheyaasha socda, kor u qaadidda isku-duwidda howlaha Wasaaradda iyo joogteynta kulamada dib-u-eegista waxqabadka, si loo xaqiijiyo in dhammaan barnaamijyada mudnaanta leh ay u hirgalaan si waafaqsan qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo dowladeed oo tayo leh, hufan, isla markaana wax ku ool u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.