Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Dib u Helay Fursadaha Tababarrada Caalamiga ah

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ku guuleystay dib u soo nooleynta iyo xoojinta xiriirkii wada shaqeyn ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed la lahaa hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, kuwaas oo door weyn ka qaata horumarinta aqoonta, tababarrada iyo tayeynta ciidamada.

Xiriirkan ayaa muddo ku dhow toddobo sano hakad ku jiray, taas oo saameyn ku yeelatay fursadaha tababar, aqoon-is-weydaarsi iyo iskaashiga caalamiga ah ee ay heli jireen saraakiisha iyo ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Hase yeeshee, dadaallada uu hoggaanka cusub ee Taliska Asluubtu sameeyey ayaa horseeday in dib loo soo celiyo wada shaqeyntaas, isla markaana la furo fursado cusub oo lagu kobcinayo xirfadaha ciidamada.

Kadib dib u soo celinta xiriirkaas, maanta Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan taliska, ayaa si rasmi ah u sagootiyey laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar aqoon kororsi ah ugu ambabaxaya magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Tababarkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado aqoonta iyo xirfadaha labada sarkaal, si ay uga faa’iideystaan waayo-aragnimada ay ka heli doonaan dalka Masar, isla markaana ay ugu soo gudbiyaan ciidamada kale marka ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Mas’uuliyiinta Taliska ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo tayada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, laguna xoojinayo iskaashiga ay la leeyihiin dalalka iyo hay’adaha taageera dib-u-dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya.

Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay in isbeddellada muuqda ee lagu sameeyey taliska mudadii ku dhoweyd afarta bilood ee uu xilka hayey ay keeneen dib u soo kabashada xiriirradii caalamiga ahaa iyo furitaanka fursado cusub oo tababar iyo horumarineed. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in Taliska Asluubtu uu sii wadi doono dadaallada lagu tayeynayo ciidamada, kor loogu qaadayo xirfaddooda iyo dhismaha ciidan leh aqoon iyo karti sare oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Dib u soo celinta xiriirka caalamiga ah iyo dirista saraakiishan tababarka u aadaysa dalka Masar ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo qeyb ka noqonaysa dadaallada lagu horumarinayo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga ee dalka.