Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarka Masjidka Al-Aqsa

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka iyo gelitaanka Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa ee uu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili ah, kaas oo ay weheliyeen kooxo xagjir ah. Dowladda Soomaaliya ayaa falkaasi ku tilmaantay mid xadgudub cad ku ah xurmada iyo karaamada mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan diinta Islaamka, isla markaana dhaawacaya dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacalladeeda.

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falalkan oo kale ay sii hurinayaan xiisadda ka taagan gobolka, islamarkaana ay halis gelinayaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabad iyo xasillooni waarta. Dowladda ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo tallaabo kasta oo horseedi karta colaad hor leh ama sii adkeyn karta xaaladda ka jirta dhulka Falastiin.

Soomaaliya, iyadoo xubin firfircoon ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee taageerada shacabka Falastiin iyo difaaca xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee goobaha barakeysan ee diimaha ku yaalla magaalada Qudus.

Dowladdu waxay ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo falalka kicinta xambaarsan, isla markaana la hubiyo isla-xisaabtan ku wajahan cid kasta oo ku lug leh xadgudubyada ka dhanka ah goobaha barakeysan iyo shacabka rayidka ah.

Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ka fogaadaan tallaabooyinka sii hurin kara xiisadda, isla markaana ay dib ugu laabtaan wadahadal miro-dhal ah oo lagu gaari karo xal siyaasadeed oo waara, caddaaladna ku dhisan, kuna saleysan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Gabagabadii, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay inay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda sharciyeed ee ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan. Waxay sidoo kale xaqiijisay taageeradeeda xalka labada dowladood, iyadoo ku tilmaantay waddada kaliya ee lagu gaari karo nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku celisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, dhowrista madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabad ah.