Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson, iyadoo kulankaasi uu diiradda saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Kulanka oo uu guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, caqabadaha ka jira la dagaallanka argagixisada, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Mareykanka.
Doodaha kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, kor u qaadidda tayada iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, horumarinta wadaagga xogaha sirdoonka, iyo xoojinta taageerada dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo la-tashiga ciidamada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door weyn ka qaatay guulaha ay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro argagixisada. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amni waara, loona abuuro jawi ku habboon horumarinta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha ciidan qaran oo awood leh, isla markaana iskaashi dhow la yeelanaya saaxiibbada caalamiga ah si loo sugo xasilloonida dalka iyo gobolka.
Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tayeynta iyo tababarka ciidamada, horumarinta awoodaha difaaca iyo xoojinta wada-shaqeynta amni ee labada dal. Waxa uu sheegay in Mareykanku uu Soomaaliya u arko saaxiib muhiim ah oo gobolka kaalin weyn ka qaata sugidda nabadda iyo xasilloonida.
Kulankan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardar gelisay howlgalada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyadoo taageero ka helaysa saaxiibbada caalamiga ah, waxaana la filayaa in iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka uu sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, amni iyo xasillooni ka hanaqaada guud ahaan dalka.