Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, kaas oo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam iyo dano wadaag.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo taageerada amniga. Waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan weyn siinayso xoojinta xiriirka ay la leedahay Shiinaha, oo ka mid ah saaxiibbada muhiimka ah ee Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada, kor u qaadidda tayada ciidamada qalabka sida iyo isdhaafsiga khibradaha, si loo xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Dhankiisa, Safiir Wang Yu ayaa xaqiijiyay in Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo sheegay in Beijing ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha. Waxa uu tilmaamay in Shiinuhu uu Soomaaliya u arko saaxiib muhiim ah oo ay ka go’an tahay in lala sii xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amniga Soomaaliya, dadaallada dowladda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo dib-u-dhiska hay’adaha amniga iyo ciidamada qalabka sida.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibbada la ah, si loo horumariyo iskaashi waara oo gacan ka geysta nabadda, amniga iyo horumarka dalka.