Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, halkaas oo ay ka bilaabeen booqasho shaqo oo la xiriirta dardargelinta adeegyada dowladda iyo mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood, iyadoo ay halkaas ku sugnaayeen hoggaanka maamulka Waqooyi Bari, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya uu ku jiro xuska sanad-guurada koowaad ee aas-aaskiisa, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ka qeyb geli doonaa munaasabadaha loogu dabaaldegayo munaasabaddaas.

Isagoo shacabka la hadlayay, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay, wuxuuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay taageeridda shacabka iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto gaarsiinta adeegyada bulshada ee deegaannada dalka, isagoo tilmaamay in qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda ay Laascaanood ka bilaabi doonaan adeegyo muhiim ah oo wax ka tari doona baahiyaha bulshada.

Inta uu ku sugan yahay Laascaanood, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulammo la yeelan doona hoggaanka Waqooyi Bari, qeybaha bulshada iyo masuuliyiin kale, isagoo sidoo kale ka qeyb geli doona munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada koowaad ee asaaska maamulka.