Guddoomiye Ku-meel-gaar ah Sacdiya Yaasiin oo Daah-furtay Hawlaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Ku-meel-gaar ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa kulankii ugu horreeyay la qaadatay xubnaha guddiga loo magacaabay qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), kuwaas oo ka qeyb qaatay diyaarinta hannaanka shaqo ee guddiga.

Intii uu kulanku socday, xubnaha guddiga ayaa cod gacan-taag ah ku doortay guddoonkooda, iyagoo Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed u doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulanka gunaanadkiisii hambalyo u dirtay guddoomiyaha cusub iyo dhammaan xubnaha guddiga, iyadoo ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in ay si hufan, caddaalad iyo dhexdhexaadnimo ku dheehan tahay u maareeyaan geeddi-socodka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxay sidoo kale ku boorrisay guddiga inay ilaaliyaan shuruucda iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, isla markaana ay xaqiijiyaan in doorashadu u dhacdo si daahfuran, cadaalad ah, uguna kalsooni badan dhammaan xubnaha Golaha Shacabka. Kulankan ayaa noqonaya tallaabadii ugu horreysay ee rasmi ah ee lagu dardargelinayo qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.