Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud (Kaarshe), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray kulanka bilowga Nidaamka Digniinta Hore ee Khataraha Soomaaliya (S-MHEWS).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta nidaam qaran oo mideynaya hay’adaha kala duwan ee dowladda, kaas oo awood u siinaya in si degdeg ah loo ogaado, loo saadaaliyo loona bixiyo digniino hore oo ku saabsan khataraha kala duwan ee saameyn kara shacabka Soomaaliyeed, sida fatahaadaha, abaaraha, duufaannada iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah.
Nidaamka Digniinta Hore ee Khataraha Soomaaliya (National Multi-Hazard Early Warning System) ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta awoodda dalka ee u diyaar-garowga musiibooyinka, yareynta khasaaraha ka dhasha dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo in bulshada la siiyo xog sax ah oo ay ku qaataan tallaabooyin badbaado ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam casri ah oo ay ku wada shaqeeyaan dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrimaha digniinta, gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, isagoo xusay in iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah uu door weyn ka qaadanayo badbaadinta shacabka.
Sidoo kale, Wakiilka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada lagu xoojinayo nidaamyada digniinta hore, isagoo sheegay in iskaashiga gobolka uu muhiim u yahay wax ka qabashada khataraha ka gudba xuduudaha, gaar ahaan saameynta isbeddelka cimilada iyo musiibooyinka soo noqnoqda.
Shirka waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka kala socda Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda SoDMA iyo masuuliyiin ka tirsan Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ka wada hadlaya qaab-dhismeedka, hirgelinta iyo isku xirka nidaamkan muhiimka u ah amniga iyo badbaadada bulshada.
Hirgelinta Nidaamka Digniinta Hore ee Khataraha Soomaaliya ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa awoodda Soomaaliya ee ka hortagga musiibooyinka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo yareeyo saameynta musiibooyinka mustaqbalka