Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada iyo Madaxa OCHA ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta heerka ay marayaan dadaallada gurmadka abaaraha ee ka socda dalka, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga wada hadlay qorshayaasha u diyaar-garowga fatahaadaha la saadaalinayo inay ka dhacaan qeybo badan oo Soomaaliya ah dabayaaqada sannadkan, kuwaas oo la xiriira saameynta laga cabsi qabo ee Super El Niño.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla falanqeeyay qorshe safar wadajir ah oo lagu booqanayo deegaannada ay ka jiraan baahiyaha bani’aadannimo ee maamullada Somaliland, Waqooyi Bari iyo Puntland, si si dhow loogu qiimeeyo xaaladda shacabka ay saameeyeen abaaraha iyo khataraha fatahaadaha, loona xoojiyo isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dhammaan bahwadaagta samafalka, si loo xoojiyo u diyaar-garowga iyo ka hortagga saameynta Super El Niño.
Waxa uu sheegay in qorsheynta hore iyo gurmadka degdegga ahi ay door weyn ka qaadan karaan badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul ee ku nool deegaannada ay halista ugu badan ka jirto, isagoo ku baaqay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara musiibooyinka dabiiciga ah.