Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed, kaas oo lagu falanqeynayo doorka ay badaha Soomaaliya ku leeyihiin koboca dhaqaalaha, sugidda amniga, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.

Shirweynahan ayaa ujeeddadiisu tahay in la mideeyo dadaallada dowladda, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada iyo khubarada si loo dejiyo istaraatiijiyad waarta oo lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadka badda, iyadoo la ilaalinayo deegaanka iyo xuquuqda jiilasha mustaqbalka.

Khudbaddii uu ka jeediyay furitaanka shirka, Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay badaha Soomaaliyeed hanti qaran oo leh fursado dhaqaale oo ballaaran, kuwaas oo laf-dhabar u noqon kara koboca dhaqaalaha dalka haddii si hufan loo maareeyo. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta kheyraadka badda iyo ka faa’iidaysigiisa si waafaqsan shuruucda dalka iyo heshiisyada caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, xoojinta amniga xeebaha iyo badaha, la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, iyo dhiirrigelinta maalgashiga lagu horumarinayo dekedaha, kalluumeysiga iyo kaabeyaasha kale ee la xiriira dhaqaalaha badda.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, taasoo siinaysa fursado waaweyn oo dhinacyada kalluumeysiga, ganacsiga badda, dalxiiska iyo gaadiidka badda ah. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta khayraadka badda iyo ka faa’iidaysigiisa si uu u noqdo il dhaqaale oo waarta.

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada, ganacsato, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale. Inta uu shirku socdo ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal lagu horumarinayo maamulka badaha Soomaaliya, ilaalinta deegaanka badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha buluugga ah si uu door muuqda uga qaato horumarka dalka.