Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha oo daah-furay wadatashiga dib-u-eegista Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdixakiin Ashkir, ayaa si rasmi ah u daah-furay aqoon-isweydaarsi lagu bilaabay wadatashiga dib-u-eegista Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta Soomaaliya (NSS) 2027–2030. Kulankan ayaa ujeeddadiisu tahay in dib loo qiimeeyo istiraatiijiyadda xasilinta dalka, iyadoo la waafajinayo xaaladaha cusub ee amniga, horumarka iyo isbeddelada ka jira taageerada caalamiga ah.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa khudbaddii furitaanka ku sheegay in dib-u-eegista istiraatiijiyadda ay ku salaysnaan doonto laba mabda’ oo muhiim ah; in dowladdu hoggaamiso qorsheynta, siyaasadda iyo hirgelinta, isla markaana bulshada Soomaaliyeed ay yeelato lahaanshaha iyo door muuqda oo ku saabsan dejinta mudnaanta iyo xalalka waara.

Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa xusay in isbeddellada ku yimid gargaarka iyo taageerada caalamiga ah ay keenayaan baahi loo qabo hannaan cusub oo lagu qorsheeyo laguna hirgeliyo xasilinta dalka. Wuxuu sheegay in dib-u-eegista istiraatiijiyaddu ay tahay fursad muhiim ah oo lagu cusboonaysiinayo aragtida dowladda, hababka shaqada iyo iskaashiga lala leeyahay bahwadaagta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xasilinta Soomaaliya aysan ku koobnayn oo keliya dhinaca amniga, balse ay sidoo kale la xiriirto dhismaha hay’adaha dowliga ah, dib-u-heshiisiinta bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kobcinta kalsoonida u dhexeysa dowladda iyo shacabka.

Aqoon-isweydaarsiga wadatashiga dib-u-eegista Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta Soomaaliya (NSS) 2027–2030 ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda hay’adaha dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada, hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta taageera barnaamijyada xasilinta.

Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay talooyin, doodo iyo aragtiyo kala duwan oo lagu falanqeeyay jihada cusub ee istiraatiijiyadda xasilinta, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ka-qaybgalayaasha ayaa isku raacay in ka-qaybgalka daneeyayaasha kala duwan uu muhiim u yahay diyaarinta istiraatiijiyad cusub oo ka tarjumeysa baahiyaha iyo mudnaanta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana noqota mid loo dhan yahay, wax-ku-ool ah, laguna hirgelin karo iskaashi iyo wadajir.