Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay in ka badan 10,000 oo oday dhaqameed, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo dowladda Kenya ay ku xoojinayso doorka hoggaanka dhaqanka ee dalka.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dowladda ay odayaasha dhaqanka u qeybin doonto taleefanno casri ah (smartphones), si loo fududeeyo xiriirka ay la leeyihiin hay’adaha dowladda iyo bulshada ay matalaan. Sidoo kale, wuxuu shaaciyay in oday kasta la siin doono gunno bille ah oo dhan 3,000 oo Kenya Shilin.
Waxaa intaas dheer in dowladda Kenya ay odayaasha u sameyn doonto caymis caafimaad iyo ciidan ilaalo u qaabilsan sugidda ammaankooda, iyadoo lagu xoojinayo kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta, xalinta khilaafaadka iyo isku xirka dowladda iyo shacabka.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in dowladdiisu ay si rasmi ah nidaamka dowladnimada ugu dartay 106,000 oo oday dhaqameed oo ka kala socda 47-da gobol ee Kenya. Wuxuu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada, lana hormariyo adeegyada heer deegaan.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in odayaasha dhaqanku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Kenya, isla markaana ay door muhiim ah ka ciyaaraan nabadda, wadajirka bulshada iyo hirgelinta barnaamijyada dowladda, isagoo sheegay in dowladda ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso hoggaanka dhaqanka si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo xasilloonida dalka.