Soomaaliya iyo Indonesia oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Kenya, ahna Danjiraha aan deggeneyn ee Soomaaliya, Mudane Witjaksono Adji.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah (Blue Economy), maamulka kheyraadka badda iyo sidii Soomaaliya iyo Indonesia ay uga wada shaqeyn lahaayeen ka faa’iidaysiga fursadaha dhaqaale ee ka jira badaha.

Danjire Witjaksono Adji ayaa intii uu kulanka socday ku xaqiijiyay mowqifka Dowladda Indonesia ee ku aaddan taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale muujiyay sida dalkiisu uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa ka warbixiyay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siisay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah, iyadoo la eegayo fursadaha ballaaran ee ka jira xeebaha Soomaaliya iyo kheyraadka badda ee gobolka Badweynta Hindiya.

Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo kooxo farsamo oo heer shaqo ah (Working Level Technical Teams), kuwaas oo ka shaqeyn doona xoojinta iskaashiga dhinacyada maamulka kheyraadka badda, kobcinta awoodaha farsamo, wadaagga aqoonta iyo hirgelinta qorshayaal horumarineed oo waara.

Soomaaliya iyo Indonesia oo labaduba ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa leh xiriir ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo danaha istaraatiijiyadeed ee ay wadaagaan labada dowladood. Kulankan ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.