Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Plan International oo ka wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Madaxa Hay’adda Plan International, Reena Ghelani, iyagoo yeeshay kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray caqabadaha bani’aadannimo ee dalka ka jira, iyadoo laga falanqeeyey deegaannada ay weli saameynta xooggan ku leeyihiin abaaraha soo noqnoqday, saadaasha roobabka El Niño oo la filayo inay sababi karaan fatahaado iyo barakac hor leh, iyo sidoo kale khatarta ayaxa oo la saadaalinayo inuu ku faafo qaybo kamid ah dalka marka ay dhammaadaan roobabka El Niño.

Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay in loo baahan yahay qorshe mideysan oo lagu xoojinayo u diyaargarowga iyo ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay dhibaatooyinkaas ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed. Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo baahiyo bani’aadannimo oo aad u ballaaran, kuwaas oo u baahan taageero joogto ah oo caalami ah. Wuxuu xusay in isbeddelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha iyo saameynta colaadaha ay sii kordhiyeen tirada dadka u baahan gargaar degdeg ah.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay bahwadaagta caalamiga ah inay sii laba jibbaaraan taageerada ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gurmadka degdegga ah, sugnaanta cuntada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta awoodda bulshada ee la qabsiga masiibooyinka.

Dhankeeda, Madaxa Plan International, Reena Ghelani, ayaa sheegtay inay booqatay deegaanno dhowr ah oo ay saameeyeen dhibaatooyinka bani’aadannimo, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaas oo ay si toos ah ugu kuurgashay xaaladda adag ee ay ku nool yihiin qoysaska ay saameeyeen abaaraha iyo barakaca.

Waxay tilmaantay in baahiyaha ka jira goobaha ay booqatay ay yihiin kuwo aad u daran, islamarkaana ay muhiim tahay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka nugul, si looga hortago inay xaaladdu kasii darto. Reena Ghelani ayaa sidoo kale xaqiijisay in Plan International ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo la kaashanaysa Hay’adda SoDMA iyo hay’adaha kale ee dowladda.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo dadaallada ku aaddan u diyaargarowga masiibooyinka, kor u qaadista adkeysiga bulshada, iyo isku dubbaridka gurmadka bani’aadannimo si loo yareeyo saameynta ay masiibooyinka dabiiciga ah ku yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.