Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Muqdisho

Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, halkaas oo uu uga bilaabanayo safar shaqo oo muhiim ah.

Soo dhaweynta wafdiga ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaasi ku qaabilay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday Maamulka Koonfur Galbeed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda.

Safarkan shaqo ee Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Koonfur Galbeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socda hay’adaha iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Sidoo kale, waxaa looga hadli doonaa hirgelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyo sidii loo xoojin lahaa dowladnimada, xasilloonida iyo horumarka shacabka ku nool deegaannada maamulkaasi.

Safarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo amniga dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka uu muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta amniga iyo xaqiijinta mustaqbal wanaagsan oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.