Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Senator Mohammad Ishaq Dar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira diblomaasiyadda, dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta bulshada.

Labada wasiir ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal, iyadoo la dardargelinayo xiriirrada dhinacyada kala duwan ee danaha labada shacab u adeegaya.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyey sidii loo kordhin lahaa wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tababarada, waxbarashada iyo arrimaha horumarineed ee muhiimka u ah labada dhinac.

Wasiirradu waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Pakistan, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, taageero iyo iskaashi labada dhinac ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso inay ku ballaariso xiriirrada caalamiga ah iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibada ah.