Soomaaliya iyo Urdun oo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo taageerada Quddus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimiyiinta Urdun, Mudane Ayman Safadi.

Kulanka ayaa ka dhacay ka hor furitaanka shirka heer wasiir ee lagu taageerayo magaalada Quddus iyo goobaha barakeysan ee ku yaalla, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka iyo arrimaha saameynta ku leh nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

Labada wasiir ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo magaalada Quddus iyo goobaha barakeysan ee ku yaalla, iyagoo muujiyey mowqifkooda ku aaddan taageerada qadiyadda Falastiin.

Mudane Abdisalam Ali iyo Mudane Ayman Safadi ayaa sidoo kale adkeeyey baahida loo qabo in beesha caalamku sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xal siyaasadeed oo ku saleysan cadaalad iyo xasillooni.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Carabta iyo kuwa caalamka, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.