Dowladda Soomaaliya oo garab istaag u muujisay shacabka Itoobiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, hoggaankeeda, dowladda iyo shacabka Itoobiya, kaddib masiibo ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay gobolka Amxaarada, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Soomaaliya waxay muujisay garab istaag iyo taageero ay la wadaagto shacabka Itoobiya xilligan adag, iyadoo ka tacsiyeysay qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday masiibadan, sidoo kalena u muujisay walaac iyo murugo dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ay saameeyeen daadadka iyo roobabka xooggan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada socda ee lagu baadi-goobayo, lagu badbaadinayo, laguna garab istaagayo dadka ay saameeyeen masiibada, iyadoo ammaantay shaqada ay wadaan hay’adaha gurmadka iyo shacabka ku howlan samatabixinta.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya u rajeysay samir iyo adkaysi, iyadoo dhaawacyada ku boorrisay caafimaad degdeg ah, isla markaana Alle uga baryey naxariista dadkii ku geeriyooday musiibada.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah dalal deris iyo xiriir dhow leh, waxaana masiibooyinka noocan oo kale ah ay mar walba xoojiyaan isku garab istaagga iyo wadajirka labada shacab.