Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah amniga, horumarinta dhaqaalaha, casriyeynta adeegyada dowladda iyo dardargelinta hannaanka dowlad-dhiska.

Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee kulanka lagu falanqeeyay ayaa ahaa geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad (Polycarbonate E-Passport), kaas oo lagu tilmaamay tallaabo weyn oo lagu casriyeynayo dukumentiyada safarka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Baasaboorkan cusub ayaa la filayaa inuu yeesho heerar sare oo amni iyo tiknoolajiyad casri ah, isla markaana fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda, isagoo sare u qaadaya kalsoonida iyo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya ee caalamka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo ay ku lifaaqnaayeen xog naqshadaysan iyo tirakoobyo la xiriira horumarka laga gaaray mashruuca baasaboorka cusub. Warbixinta ayaa lagu sheegay in si rasmi ah loo joojiyay wax kasta oo la xiriira wax ka beddelka xogta shaqsiga ah ee ku qoran baasaboorka, si loo ilaaliyo sumcadda iyo kalsoonida baasaboorka Soomaaliyeed loogana hortago wax isdaba marin iyo falal dhaawici kara aqoonsiga dukumentiga qaranka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixino ku saabsan heerka waxqabadka wasaaradaha dowladda intii lagu jiray Rubuca Koowaad (Q1) iyo Rubuca Labaad (Q2) ee sanadkan. Warbixinadan ayaa lagu qiimeeyay sida ay wasaaraduhu u fuliyeen qorshayaashooda shaqo, adeegyada ay bulshada u qabteen iyo heerka ay ka gaareen yoolalkii loo dejiyay.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshaha casriyeynta nidaamka shaqada Golaha Wasiirrada ee loo yaqaan E-Cabinet System, kaas oo lagu horumarinayo maamulka iyo habraacyada shaqada dowladda. Nidaamkan ayaa la filayaa inuu fududeeyo wadaagista dukumentiyada, dardargeliyo go’aan qaadashada, kordhiyana hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Hindise-sharciyeedkan ayaa muhiim u ah horumarinta ganacsiga dalka, ilaalinta tayada badeecadaha Soomaaliyeed iyo kor u qaadista kalsoonida suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa intii uu kulanka socday Golaha Wasiirrada uga warbixiyay safarkii uu dhowaan ku tegay Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isagoo bogaadiyay wadajirka shacabka iyo maamulka deegaanka. Waxa uu sidoo kale hambalyo u diray shacabka iyo maamulka Galmudug, isagoo ku ammaanay qabsoomidda doorashadii qof iyo cod ee halkaasi ka dhacday, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka shacabka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu wasiirrada iyo dhammaan mas’uuliyiinta dowladda ku booriyay inay safarradooda ku isticmaalaan baasaboorka Soomaaliyeed, si kor loogu qaado sumcadda iyo sharafta baasaboorka qaranka. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo dib u celiyay baasaboorkii ajnabiga ahaa, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid muujineysa waddaniyad iyo ixtiraamka astaamaha qaranka.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay sixitaan lagu sameeyay magacaabista mid ka mid ah xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Golaha ayaa go’aamiyay in Mudane Cali Macalin lagu beddelo xeeldheere sharci Mudane Aadan Kuuloow Macalin Qaasim, iyadoo isbeddelkan lagu sheegay mid lagu xoojinayo hufnaanta iyo tayada howlaha Golaha Adeegga Garsoorka.