Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho Kula Kulmay Madaxa EUCAP Somalia

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hawlgalka Midowga Yurub ee Kobcinta Awoodda Soomaaliya (EUCAP Somalia), Mudane Kęstutis Lančinskas.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Midowga Yurub, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, tayeynta hay’adaha amniga iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha ka shaqeeya sugidda amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada dhinaca tababarrada, la-tashiga iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga, si ay si hufan uga jawaabi karaan caqabadaha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay horumarinta hay’adaha, sugidda amniga iyo xoojinta xasilloonida.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Midowga Yurub, si loo helo taageero waarta oo wax ka tari karta baahiyaha amni iyo horumarineed ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxa Hawlgalka EUCAP Somalia, Mudane Kęstutis Lančinskas, ayaa dhankiisa muujiyey sida Midowga Yurub uga go’an tahay inuu sii wado taageerada iyo wada-shaqeynta uu la leeyahay hay’adaha Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in EUCAP Somalia ay sii xoojin doonto dadaallada lagu kobcinayo awoodda hay’adaha amniga, iyadoo xoogga la saarayo tababarrada, la-tashiga iyo taageerada farsamo ee lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo sharciga.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya dhinacyada, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ku wehliyey Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Hoggaamiyaha, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-hadallada ku saabsanaa amniga, horumarinta hay’adaha iyo iskaashiga labada dhinac.