Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xafiiskiisa oo ku yaalla xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, kaas oo looga hadlay diyaar-garowga iyo habraacyada la xiriira doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddiga ayaa shahaadada musharraxnimada ee tartanka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka guddoonsiiyey Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada).
Guddoonsiinta shahaadooyinka ayaa ka dhigan in labada xildhibaan ay si rasmi ah u dhammaystireen tallaabada la xiriirta diiwaangelinta musharraxnimadooda, iyadoo magacyadooda lagu daray musharraxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ah mid muhiim u ah shaqada Baarlamaanka, maadaama Guddoomiyuhu uu leeyahay door hoggaamineed oo muhiim ah oo ku saabsan hagidda fadhiyada Golaha, isku dubbaridka howlaha Baarlamaanka iyo matalaadda Golaha.
Guddiga Doorashada ayaa sii wada howlaha diyaarinta doorashada, waxaana la filayaa in la dhammaystiro dhammaan tallaabooyinka iyo habraacyada looga baahan yahay musharraxiinta ka qaybgalaya tartanka.
Xildhibaanada u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa laga doonayaa inay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka Baarlamaanka, iyadoo doorashada lagu wado inay ku dhacdo habraac waafaqsan nidaamka Golaha Shacabka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay u dhacdo si nidaamsan, hufan oo waafaqsan habraacyada loo dejiyey.