Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Suudaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa looga hadlay xaaladda guud ee gobolka, isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ka socda dalalka gobolka, iyo arrimo la xiriira xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in labada dal ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kulanka ku muujiyey muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay xiriirka ay la leedahay Jamhuuriyadda Suudaan, iyadoo labada dal ay wadaagaan xiriir soo jireen ah, xiriir walaaltinimo iyo iskaashi ku dhisan danaha labada shacab.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafa-guray xaaladihii iyo isbeddelladii ugu dambeeyey ee ka jira gobolka, iyadoo labada dhinac ay isku dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka gobolka.

Safiirka Suudaan ayaa dhankiisa muujiyey sida ay dowladdiisu uga go’an tahay sii wadidda xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wadatashiyada iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda dadaallada lagu horumarinayo xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan iyo in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha ay labada dowladood danaha wadaagaan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa muddo dheer ku dhisnaa xiriir walaaltinimo iyo iskaashi dhinacyo badan leh, iyadoo labada dowladood ay marar kala duwan muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in xiriirkaasi uu noqdo mid sii kobca, isla markaana u horseeda labada shacab fursado cusub oo dhinacyada kala duwan ah.