Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaddib markii ay maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka u doorteen inuu hoggaamiyo Golaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku aamineen, isaga oo u rajeeyay inuu si hufan, masuuliyad iyo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu leeyahay mas’uuliyad muhiim ah oo ku aaddan hoggaaminta howlaha Baarlamaanka, ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista danta guud ee qaranka, isagoo sidoo kale matalaya danaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay muhiimadda uu Golaha Shacabku u leeyahay dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta, matalaadda shacabka, ansixinta shuruucda iyo xoojinta isla-xisaabtanka hay’adaha qaranka.
Madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha cusub ku boorriyey inuu Golaha Shacabka ku hoggaamiyo si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo mudnaanta siinaya midnimada Xildhibaanada, wada-tashiga, iskaashiga iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Golaha Shacabka uu si hufan u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, isla markaana uu door muuqda ka qaato horumarinta shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul iyo masuuliyad gudasho, isagoo muujiyay rajada laga qabo in hoggaanka cusub uu sii xoojiyo shaqada Golaha Shacabka iyo wada-shaqeynta hay’adaha qaranka.