Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo UNDP

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Vikram Parekh, iyo Christopher Laker, oo ah Ku-xigeenka Wakiilka Deganaanshaha ee UNDP.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay taageerada dhinacyada horumarinta, arrimaha bini’aadantinimada iyo sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada loogu adeegayo bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ee u baahan adeegyada horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo.

Hoggaamiyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu yeeshaan wada-tashi joogto ah, gaar ahaan arrimaha saameynta ku leh amniga, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, magaalada Muqdisho kula yeelanayo madaxda iyo hay’adaha kala duwan, kuwaas oo looga gol leeyahay dardargelinta wada-shaqeynta iyo horumarinta danaha shacabka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha waxaa kulanka kala qeybgalay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.