Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Ankara kulan kula qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga, Yaşar Güler, iyadoo kulanka uu sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Orgeneral Selçuk Bayraktaroğlu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshayaasha lagu xoojinayo tababarka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, kor u qaadista awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-shaqeynta hay’adaha difaaca ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, khibrad-wadaagga iyo taageerada farsamo ee lagu horumarinayo awoodaha ciidanka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga iyo Taliyaha Ciidamada Turkiga ayaa muujiyay muhiimadda ay Ankara siinayso xiriirka amni iyo difaac ee Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed, si ay si hufan uga jawaabaan caqabadaha amni ee dalka.
Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhinaca Turkiga taageerada iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta ciidamada iyo hay’adaha difaaca.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.