Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Hay’adda Refugees International, waxaana wafdiga hoggaaminayay Madaxa Hay’adda, Mudane Jeremy Konyndyk.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Puntland iyo Hay’adda Refugees International oo xarunteedu tahay magaalada Washington, D.C. ee dalka Mareykanka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xaaladaha bani’aadantinimo ee ka jira deegaannada Puntland, gaar ahaan saameynta abaaraha, xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo sidii loo heli lahaa taageero wax ku ool ah oo wax looga qabanayo baahiyaha bulshada nugul.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bani’aadantinimo, horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada dadka ay saameeyeen abaaraha iyo barakaca.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa wafdiga uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada ay Hay’adda Refugees International ku bixiso taageerada dadka u baahan gargaarka, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada bani’aadantinimada.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo dardargelin lahaa barnaamijyada wax looga qabanayo saameynta abaaraha iyo sidii loo taageeri lahaa qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay, kuwaas oo wajahaya xaalado nololeed oo adag.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Qarjab, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, iyo masuuliyiin kale.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadantinimada, abaaraha, qaxootiga, barakacayaasha iyo horumarinta bulshada.