Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u furay Shir-weynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cuntada Soomaaliyeed (NAFIS 2026), oo looga hadlayo fursadaha maalgashi ee dhinaca beeraha, xoojinta wax-soo-saarka gudaha, horumarinta nidaamka cuntada iyo sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd isku-filnaansho dhanka cuntada ah.
Shir-weynaha NAFIS 2026 ayaa isugu keenaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, khubaro, ganacsatada, maalgashadayaasha, hay’adaha caalamiga ah iyo dhinacyada kale ee daneeya horumarinta beeraha iyo wax-soo-saarka cuntada. Shirkan ayaa sidoo kale fursad u ah in la isku dhaafsado aragtiyo iyo qorshayaal ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka beeraha, loo abuuri lahaa fursado maalgashi, loona kordhin lahaa kaalinta beeruhu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qabashada Shir-weynaha NAFIS 2026 ay xambaarsan tahay farriin muhiim ah oo muujinaysa jihada cusub ee hoggaanka Qaranka, gaar ahaan dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka iyo kordhinta wax-soo-saarka gudaha.
Waxa uu sheegay in qorshayaasha lagu horumarinayo beeraha iyo nidaamka cuntada ay qayb muhiim ah ka yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo dowladda ay ku doonayso in lagu dardar-geliyo horumarka dhaqaale iyo bulsho, laguna abuuro fursado cusub oo ay ka faa’iideystaan bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursado waaweyn oo dhanka wax-soo-saarka cuntada ah, kuwaas oo ay saldhig u yihiin dhulka ballaaran ee dalka oo meelo badan ku habboon beeraha, khayraadka biyaha iyo awoodda bulshada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in haddii si wanaagsan loo maalgeliyo loona horumariyo kaabeyaasha beeraha, Soomaaliya ay awood u yeelan karto inay si weyn u kordhiso wax-soo-saarkeeda gudaha, isla markaana ay yareyso ku-tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in beeraha loo arko qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha dalka, isaga oo sheegay in maalgashiga beeraha uu fursad weyn u yahay kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyin iyo horumarinta nolosha bulshada.
“Waxaan hubaa in maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka cuntadu uu muhiim u yahay dalkeenna iyo guud ahaan Geeska Afrika. Wax-soo-saarka dalkeennu waxa uu kor u qaadayaa dhaqaalaha dalka, waxa uu kobcinayaa kaabeyaasha horumarineed ee gobolka, waxa uuna fursad siinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Waa billowga dakhliga iyo xaqiijinta isku-filnaanshaha cuntada dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Waxa uu sidoo kale sheegay in horumarinta beeraha aysan ku koobnayn oo keliya kordhinta wax-soo-saarka cuntada, balse ay door muhiim ah ka qaadan karto abuurista shaqooyin iyo fursado dhaqaale, gaar ahaan kuwa ay ka faa’iideysan karaan dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay dhallinyaro badan oo awood iyo karti u leh inay ka qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha, iyadoo beeraha iyo ganacsiyada ku xeeran nidaamka cuntadu ay noqon karaan meel muhiim ah oo laga abuuro shaqooyin iyo fursado ganacsi.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in maalgashiga beeraha uu u baahan yahay iskaashi ballaaran oo dhex mara dowladda, ganacsatada gudaha, maalgashadayaasha, hay’adaha caalamiga ah iyo bulshada deegaanka, si loo helo natiijooyin waara oo wax ku ool ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso abuurista jawi ku habboon maalgashiga, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka gudaha iyo beeraha, si loo dhiirrigeliyo ganacsatada iyo maalgashadayaasha doonaya inay dalka ka sameeyaan mashaariic wax-ku-ool ah.
Waxa uu sidoo kale xusay in horumarinta nidaamka cuntada Soomaaliyeed ay u baahan tahay in la xoojiyo kaabeyaasha muhiimka ah sida waraabka, kaydinta wax-soo-saarka, gaadiidka, suuqyada iyo farsamaynta dalagyada, si beeraleydu u helaan fursado wanaagsan oo ay ku kordhiyaan wax-soo-saarkooda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale fariin u diray hay’adaha iyo ururrada ka howlgala Soomaaliya, isaga oo sheegay inay muhiim tahay inay fahmaan isbeddellada ka dhacay dalka iyo jihada cusub ee qorshayaasha Qaranka.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn sidii hore, isla markaana ay jiraan isbeddello lagu sameeyay qorshayaasha Qaranka iyo habka dowladda ay u waddo horumarinta dowladnimada iyo dhaqaalaha dalka.
“Hay’adaha ka howlgala dalkeenna waa inay ogaadaan in Soomaaliya aysan sidii hore ahayn. Waxaa isbeddel lagu sameeyay qorshayaasha Qaranka, waxaana muhiim ah inay ula shaqeeyaan dowladda sida ay u horumartay, ayna u dajiyeen qorshayaasha lagu tayeynayo dowladnimada, kuwaas oo ka tarjumaya Soomaaliyada cusub,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Waxa uu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay taageeradooda iyo barnaamijyadooda la jaanqaadaan qorshayaasha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku wajahan horumarinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka gudaha iyo isku-filnaanshaha cuntada.
Shir-weynaha NAFIS 2026 ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso sidii dalka looga dhigi lahaa mid kordhiya wax-soo-saarkiisa gudaha, loona yareeyo ku-tiirsanaanta badeecadaha iyo cuntada dibadda laga keeno.
Dhinaca kale, shirkan ayaa la filayaa inuu abuuro fursado lagu isku keeno maalgashadayaasha iyo dadka ka shaqeeya beeraha, si loo sahmiyo fursadaha jira iyo caqabadaha hortaagan horumarinta wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya.
Dowladda ayaa aaminsan in haddii si wanaagsan looga faa’iideysto dhulka, biyaha iyo awoodda dadka Soomaaliyeed, beeruhu ay noqon karaan mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka, isla markaana ay Soomaaliya ka caawin karaan xaqiijinta isku-filnaanshaha cuntada.
Shir-weynaha NAFIS 2026 ayaa sidaas darteed diiradda saaraya sidii loo heli lahaa hannaan cusub oo lagu horumarinayo beeraha, loo kordhinayo wax-soo-saarka gudaha, loo dhiirrigelinayo maalgashiga gaarka loo leeyahay, loona abuuri lahaa fursado dhaqaale oo waara.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khusayso horumarinta beeraha iyo nidaamka cuntada inay ka faa’iideystaan fursadda uu shirku abuurayo, isla markaana ay iska kaashadaan sidii Soomaaliya loogu gaarsiin lahaa heer ay si weyn ugu tiirsanaato wax-soo-saarkeeda gudaha, iyadoo la xoojinayo dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo horumarinta bulshada.