Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, kaas oo looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo diyaar-garowga wax looga qabanayo saameynta laga filayo roobabka culus ee la saadaalinayo.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saadaasha Super El Niño iyo khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan, kuwaas oo sababi kara fatahaado, barakac, burburka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhibaatooyin kale oo bani’aadannimo.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka ku soo bandhigay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo dadaallada ay hay’addu ku bixinayso sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga ka hor inta aysan dhicin musiibooyinka la saadaalinayo.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida ay si dhow uga wada shaqeeyaan qorshayaasha gurmadka degdegga ah, gaar ahaan meelaha ay ka jirto khatarta fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee ka dhalan kara roobabka la filayo.
Kulanka ayaa lagu isla gartay in Ciidamada Qalabka Sida ay qayb muhiim ah ka noqdaan dadaallada lagu badbaadinayo shacabka iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee ka dhalan kara musiibooyinka dabiiciga ah.
Si gaar ah, waxaa la isku raacay in Ciidanka Cirka Soomaaliyeed uu door muuqda ka qaato howlaha gurmadka iyo badbaadinta bulshada, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca marka ay xaaladdu saamaxdo.
Diyaaradaha Ciidanka Cirka ayaa sidoo kale lagu qorsheeyay inay ka qayb qaataan xog-ururinta, qiimeynta xaaladaha dhulka iyo in si degdeg ah loo ogaado meelaha ay saameeyeen fatahaadaha ama roobabka xooggan, taas oo gacan ka geysan karta in gurmadka loo diro goobaha ugu baahida badan.
Sidoo kale, waxaa muhiimad gaar ah la siiyay sidii loo heli lahaa xog sax ah oo ku saabsan xaaladda dhulka, dadka ay musiibooyinku saameeyeen iyo baahiyaha degdegga ah ee ka jira goobaha ay fatahaaduhu ku dhici karaan.
SoDMA ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa xoojinta qorshayaasha ka hortagga iyo yareynta khataraha musiibooyinka, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha dowladda, Ciidamada Qalabka Sida, maamul-goboleedyada iyo hay’adaha samafalka.
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, si looga hortago in xaaladaha bani’aadannimo ay isu beddelaan musiibo ballaaran.
Diyaar-garowga hore ayaa loo arkaa mid muhiim u ah badbaadinta nafaha iyo yareynta khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha, gaar ahaan deegaanada ku dhow webiyada iyo meelaha ay nugul yihiin roobabka culus.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga Soomaaliya ee ku aaddan xaaladaha cimilo ee la saadaalinayo, iyadoo la doonayo in hay’adaha dowladda iyo ciidamada ay yeeshaan qorshe mideysan oo wax looga qabanayo xaalad kasta oo degdeg ah.
SoDMA ayaa sheegtay in wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ay muhiim u tahay in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha musiibooyinka, loona gaarsiiyo bulshada gurmadka ay u baahan yihiin waqtiga ugu habboon.