Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Dowladda Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in Turkigu uu door muhiim ah ka qaato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gargaarka bani’aadannimo, dib-u-dhiska kaabeyaasha iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha dowliga ah.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa Danjiraha Turkiga la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee ka jirta deegaannada maamulka, isagoo faahfaahin ka bixiyay dadaallada socda ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada, xoojinta amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu mudnaan siinayo sidii shacabka loo gaarsiin lahaa adeegyo aasaasi ah oo tayo leh, loona abuuri lahaa fursado horumarineed oo waara, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga, iyadoo la isku afgartay in amniga iyo xasilloonidu ay yihiin saldhigga horumarka iyo kobaca dhaqaalaha.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in Dowladda Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Turkiga, iyadoo mudnaanta la siinayo mashaariicda iyo barnaamijyada si toos ah uga qayb qaadanaya horumarka iyo xasilloonida bulshada.

Danjire Alper Aktaş ayaa dhankiisa muujiyay muhiimadda uu Turkigu siinayo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya, isagoo adkeeyay in iskaashiga labada dhinac uu muhiim u yahay taageerada horumarineed iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday labada dhinac inay iska dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii xoojin lahaa taageerada loogu baahan yahay bulshada nugul iyo dadka u baahan gurmadka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka hadlay baahida loo qabo in la kordhiyo maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo door weyn ka qaadan kara isku xirka deegaannada, fududeynta isu-socodka iyo kobcinta ganacsiga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo shaqo oo uu Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), magaalada Muqdisho kula yeelanayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, diblomaasiyiinta iyo hay’adaha caalamiga ah.

Kulamadaasi ayaa looga gol leeyahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Koonfur Galbeed ay la leedahay dowladda Federaalka, dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo heli lahaa taageero horumarineed oo wax ku ool ah.

Shirka waxaa Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed kala qeybgalay Wasiirka Beeraha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa wafdiga Hoggaamiyaha ee kulanka la yeeshay Safiirka Turkiga.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta Koonfur Galbeed iyo Turkiga, iyadoo la dardargelinayo iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.