Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblomaasiyadeed

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Einar Rystad.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda iyo arrimaha labada dal ay daneynayaan.

Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyadoo la ballaarinayo iskaashiga labada dhinac iyo wada-shaqeynta ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu eegay arrimo dhowr ah oo ay labada dowladood si wadajir ah u daneynayaan, iyadoo la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo kaalinta ay iskaashiga caalamiga ah ka qaadan karto taageerada dadaallada dowladda.

Mudane Cabdisalaan Cali ayaa xusay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka ay la leedahay Norway, isagoo tilmaamay in iskaashiga labada dal uu yahay mid muhiim u ah horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo danaha wadajirka ah.

Dhankiisa, Wakiilka Gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya, Einar Rystad, ayaa muujiyay muhiimadda uu dalkiisa siinayo xiriirka Soomaaliya, isagoo adkeeyay in Norway ay diyaar u tahay sii wadista wada-shaqeynta iyo xiriirka dhow ee labada dhinac.

Labada mas’uul ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay labada dowladood horumarinta iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Norway, iyadoo la sii ambaqaadayo wadahadalka iyo xiriirka joogtada ah ee labada dhinac.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo iskaashi ku saleysan danaha labada dhinac iyo horumarinta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.